Maamulka Puntland ayaa si adag uga hor yimid qorshe ay sheegtay in dowladda federaalka Soomaaliya (DFS) ay adeegyo ay ka mid yihiin gargaarka bani’aadantinimo ku xirtay qaadashada Aqoonsiga Qaranka ee ay bixiso hay’adda NIRA.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Puntland ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi tahay mid lagu siyaasadaynayo gargaarka bani’aadantinimo, laguna marin habaabinayo shaqada hay’adaha samafalka. Puntland waxay ku andacootay in qorshahaasi khatar ku yahay madax-bannaanida dowlad-goboleedyada iyo nidaamka federaalka ah ee dalka u yaalla.
Intaasi ka dib waxay soo saartay qodobo adag oo ay kaga digeyso gargaarka lagu xiro helitaanka Aqoonsiga Qaranka – Puntland waxay sheegtay in taasi ka hor imanayso mabaadi’da gargaarka bani’aadantinimo ee caalamiga ah, kuwaas oo ku saleysan baahida, ee aan lagu xirin wax siyaasadeed.
Bayaanka Puntland ayaa lagu yiri ” Kaalmadu waa in loo qaybiyaa si cadaalad ah oo la jaanqaadaysa baahiyaha dhabta ah, halkii ay ka ahaan lahayd mid siyaasadaysan oo lagu xadgudbayo xuquuqda dadka baahan”.
Puntland waxay ugu dambeyn ku baaqday in hay’adaha caalamiga ah iyo bahwadaagta gargaarka ay tixgeliyaan aragtida dowlad-goboleedyada, islamarkaana aan la siyaasadayn gargaarka la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee u baahan.
HBN ONLINE TV