Puntland oo u yeertay mas’uuliyiinta Raasi-casayr, xilli gobolka ay ka taagnayd xiisad hub ka haray markab Turki ah

Waxaa maanta wareegto ka soo baxday Puntland, si gaar ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha loogu yeeray dhammaan mas’uuliyiinta Gobolka Raasi-casayr, kaddib markii ay sheegtay inay wax ka weydiinayso habsami u socodka shaqooyinka dowladeed ee ka jira gobolkaasi. Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli muddooyinkii dambe gobolka ay ka taagnayd xiisad la xiriirta hub fudud oo ka haray markab laga leeyahay Turkiga.

Warqad rasmi ah oo ka soo baxday Wasaaradda ayaa lagu wargeliyay mas’uuliyiinta ay khusayso ee Caluula in ay si toos ah u yimaadaan magaalada Garowe dhamaadka bishaan December 2025, si wax looga weydiiyo hawlaha shaqo ee ay u idman yihiin.

Sidoo kale, Wasaaraddu ma faahfaahin tallaabooyin kale oo laga qaadi karo mas’uuliyiinta, balse yeeritaankan ayaa muujinaya dadaal lagu doonayo in lagu caddeeyo xaaladda ka taagan gobolka.

Markabka Sea World ayaa lagu qabtay xeebaha Puntland bartamihii bishii July ee sanadkan 2025 isaga oo siday hub culus, waxaana la sheegay in hub lagala degay, iyada oo goor dambe  Augosto ah lagu guuleystay in la soo fasaxo.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed