Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa dil toogasho ku fulisay Deeq Cabdul, kaasi oo lagu helay dambiga ah inuu dilay ganacsade Axmed Tahliil Xaaji Aaden.
Xukunka qisaasta ayaa lagu fuliyey iyadoo goob-joog ka ahaayeen Taliyaha qaybta Booliska gobolka Bari, hoggaanka CID-da gobolka iyo guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee shanta gobol ee Puntland, Cabdirisaaq Jaamac Cabdulle.
Guddoomiyaha maxkamadda ayaa sheegay in qisaasta ay fushadeen ehelka marxuumka, isagoo xusay in cadaaladda la oofiyey. “Qisaastaas waxaan cadaynaynaa inay fushay, waxaana fushaday dadkii xaqa u lahaa,” ayuu yiri guddoomiyuhu.
Dhinaca kale, hay’adaha ammaanka Puntland ayaa digniin u diray shacabka, iyagoo sheegay in gobolka ay ku soo bateen dilalka la xiriira aanooyinka qabiilka.
Taliska booliska Puntland shacabka ugu baaqay in laga fogaado falalka dhaawacaya qiyamka iyo karaamada Muslimka, islamarkaana waxay ku goodiyeen in qof kasta oo dil geysta la marsiin doono tiirka qisaasta, si loo joojiyo dhibaatooyinka soo laablaabta ee ku saleysan aanooyinka qabiilka.
HBN ONLINE TV