Puntland oo soo saartay go’aamada laga gaarayo dadka lagu helo garabsiinta iyo taageerada kooxda Daacish

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay dad uu ku eedeeyay inay taageeraan kooxda Daacish ee weli haraadiga ku ah deegaannada Puntland ayaa dalbaday in laga qaado tallaabooyin adag oo sharci ah oo dil toogasho ah la jiro.

Deni oo joogay dhaarinta masuuliyiinta Maxkamadaha Sarre iyo Darajada 1-aad ee Ciidamada ayaa sheegay in dadka la shaqeeya Daacish, isla markaana siinaya taageero sida sahayda iyo hoyga, ay yihiin kuwa ugu halista badan, wuxuuna ku baaqay in laga gaarto go’aanno adag oo ay ka mid yihiin xukunno sharci oo aan wax laxa jecla ah ku jirin.

Isagoo ka hadlayay xaaladda amni ee deegaannada ay weli ku harsan yihiin kooxda ee Calmiskaad , ayuu sheegay in dadka weli xiriirka la leh Daacish ay sabab u yihiin sii jiritaanka khatarta amni ee Puntland, isla markaana loo baahan yahay in si degdeg ah wax looga qabto.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa digniin u diray masuuliyiinta iyo odayaasha dhaqanka, isagoo faray in aan la difaacin ama loo ololeyn dadka lagu eedeeyo argagixisada, isla markaana cadaaladda si buuxda loogu fulin doono cid kasta oo lagu helo dambiyadaas.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed