Puntland oo soo rogtay awaamiir culus oo dhanka gaadiidka xili uu socdo dagaal adag oo ay Daacish ay kula jirto

Maamulka Puntland oo saaray go’aan ka dhan ah dadka gaadiidka leh ayaa faray in ay u huggaansamaan sharciga, xili ay ku jiraan dagaal ka dhan kooxda Daacish oo ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Wasaaradda Howlaha Guud ee Puntland oo soo saartay wareegto ku aadanayd ka hor taga qataro in ay kaga yimaadaan kooxda Daacish ayaa ku boorisay in muwaadiniinta heysta gaadiidka heysta isku qoraan Milkiyadda lahaanshiyaha baabuurta.

Maamulka ayaa ugu digay dadka gaadiidka leh haddii ay u hoggaansami waayaan in talaabo sharci ah laga qaadi doono.

“Maadaama oo xaalad dagaal lagu jiro, qof kasta oo baabuur leh waxa la farayaa in uu isku-qoro mulkiyadda gaadhigiisa; ruuxii isku-qorin waxa laga qaadayaa tallaabo sharci ah.”

Hay’adaha ammaanka oo digniinno ka baxshay in Daacish aargoosi ka sameyso dagaalka adag ee lagula jiro ayaa soo jeediyey ka hor tagga qataraha albaabada badan ee ka imaan kara sida hadalka loo dhigay Kooxda.

Dhanka kale, Puntland ayaa soo bandhigtay fariisimo waa weyn oo ay kala wareegtay Daacish deegaanka Shebaab oo hoostaga

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed