Mas’uuliyiin sare oo ka kala socday maamulka Puntland iyo Somaliland, oo ay ku jiraan wasiirro iyo saraakiil amni, ayaa ku dhawaaqay saxiixa heshiis iskaashi oo ku saabsan amniga, siyaasadda iyo ganacsiga, kadib shir labo maalmood socday, kana dhacay magaalada Nairobi ee caasimada Kenya, intii u dhaxaysay 4–5 bishaan Oktoobar oo ku beegan Sabtidii shalay & maanta.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyeen inay si dhow uga wada shaqeeyaan la dagaallanka waxa loogu yeeo argagixisada, xoojinta amniga badda, iyo ka hortagga dambiyada abaabulan ee halista ku ah sida hadalka loo dhigay xasilloonida iyo kobaca dhaqaale ee gobolka. Waxa kale oo ay isku raaceen iskaashi wadajir ah oo ka dhan ah kooxaha xagjirka ah ee AlShabaab iyo ISIS, iyo ilaalinta biyaha badda ee ay wadaagaan.
“Shirku wuxuu boggaadiyey wadashaqeynta labada dhinac, gaar ahaan hay’adaha amniga iyo is-dhaafsiga maxaabiista. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in ay si dhow isaga kaashadaan ka hortagga iyo ka-dabtagga dambiyada abaabulan ee wax u dhimi kara danaha amni iyo dhaqaale ee labada dhinac” ayaa lagu xusay war saxaafadeedka.
Warsaxaafadeed wadajir ah ayaa lagu sheegay in Puntland ay soo dhoweysay “aayo ka-tashiga” Somaliland isla markaana ay aqoonsatay horumarka ay ku tallaabsatay dhanka maamulka iyo xasilloonida.
“Puntland waxay dhinaceeda soo dhoweyneysaa horumarka ay Somaliland ka gaartay dowladnimada iyo xaqa ay u leedahay aaya ka tashigeeda” ayaa lagu yiri dhanka Puntland, halka Somaliland ay iyaduna tiri “Somaliland waxay ku ammaanasay Puntland nabadda, horumarka iyo guulaha ay ka soo hoysay la dagaalanka argagixisada. Sidoo kale, waxay ay ku boggaadinaysaa taabbagelinta nidaamka dowliga ah ee ay ka hirgalisay deegaanada Puntland”.
Kulanka wuxuu ku soo beegmayaa bilo kadib markii dowladda Soomaaliya ay magaalada Laasacaanood ku dhistay Waqooyi Bari, kaasi oo si weyn uga soo horjeedaan labada dhinacba, si gaar ah Somaliland oo u aaminsan inay xaquuq u leedahay dhulka maamulkaasi laga dhisay.
HBN ONLINE TV