Ciidanka Booliiska Puntland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen xubin ka tirsan kooxda Daacish, kaas oo ku dhuumanayay deegaanka Buuraha Togga Baalade ee magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Ninkan la qabtay oo lagu magacaabo Hakiimo, kana soo jeeda dalka Itoobiya, ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa firxadka Daacish ee ka cararay duqeymaha iyo howlgallada milatari ee dhawaanahaan ka socday jiidda hore ee buuraha Calmiskaad, halkaas oo Ciidanka Difaaca Puntland ay guulo ka gaareen dagaallo adag oo lagula jiray kooxda.
Puntland ayaa sheegtay in Calmiskaad ay la wareegtay 98% guud ahaan, iyadoo shalay uu soo idlaaday howlgalkii Hilaac oo uu beleday Onkod oo wajiga afaraad bilow u ah. Sarkaal Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in u jeedada howlgalkan uu yahay dhameystirka haraadiga kooxda Daacish ee ku harsan aaggaasi.
Howlgalka lagu qabtay xubintaan ayaa ka dhacay Togga Baalade iyo deegaanka Biyo Kulule, meelahaas oo muddooyinkii dambe la tuhunsanaa inay gabaad u noqdeen firxadka Daacish ee laga soo burburiyey difaacyadii ay ka samaysteen buuraha Calmiskaad.
Ciidanka Booliska oo ka tirsan hay’adaha amniga ee khaaska u ah sugidda nabadgelyada gudaha, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada nadiifinta ah si looga ciribtiro haraadiga kooxaha khatarta ku ah amniga iyo xasilloonida Puntland.
Maamulka Puntland ayaa horey u muujiyay go’aankiisa ku aaddan la dagaallanka argagixisada, iyadoo hawlgallada noocan ah ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo badbaadada shacabka iyo ilaalinta xuduudaha maamul goboleedka.
HBN ONLINE TV