Puntland oo soo bandhigtay maxaabiis ajanabi ah oo Daacish laga qabtay

Maamulka Puntland ayaa siidaayey xogta galka tiradii ugu badneyd xubno ajaaniib ah oo ka tirsan kooxda Daacish, laguna qabtay hawlgalka loogu magacdaray “Ciribtirka Argagixisada” ee ka socda buuraha Calmiskaad, tan iyo dhamaadkii sanadkii 2024 ee gobolka Bari.

Maxaabiistan ajaaniibta ah ayaa la xaqiijiyay inay u kala dhasheen dalalka Turkiga, Sacuudi Carabiya, Marooko, Itoobiya, Suuriya iyo Yemen. Puntland ayaa sheegtay in dadkan la soo qabtay oo u badan dalka Itoobiya ay gacanta kusoo dhigeen Ciidamada maamulkaasi , oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah.

Maamulka Puntland ayaa dagaalka Calmiskaad iyo soo qabashada xubnahaan kaga mahadceliyey dalka Imaaraadka — hadal u muuqday mid si siyaasadeed loo gudbinayo, kadib go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku burburisay wadashaqeyntii Abu Dubai kala dhexeysay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed