Puntland oo soo bandhigtay Ajaaniib ay ku dishay Buuraha Calmiskaad ka dib dagaal dhacay

Ciidamada Puntland ayaa maanta howlgal ku dilay xubno ka mid ah Ajaanibta Daacish sida la sheegay oo aheyd kooxo baxsad ah oo ku dhuumalaysnayey deegaanka Cascasey, Waqooyiga deegaanka Dhaban-qooxle ee Gobolka Bari.

Xubnaha la dilay inkasta oo tiradooda aanay sheegin Ciidamada Puntland, hadane waxay soo bandhigeen xubno aan la garan karin heybtooda, kaasi oo dhacay saacadihii ugu dambeeyey ee galinkii dambe ee maanta.

Ciidamada Puntland oo ku jira wejiga 3-aad ee dagaalka howlgalka Calmiskaad ka socda in ka bdan 3 bil ayaa la wareegay deegaanno badan oo gacanta ay ku heysay Daacish. howlgalka ka socda muddo buuraha gobolka Bari ee lagu beesanayo kooxda ayaa luminta dhul baaxdan

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed