Maamulka Puntland ayaa si aan mugdi ku jirin u shaaciyey mowqifkiisa ka dhanka ah maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya, kaas oo dhawaan lagu dhisay magaalada Laascaanood, una dhaxeeya gobollada Sool, Sanaag, iyo degmada Buuhoodle.
Masuuliyiinta sare ee Puntland oo shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga hadlay arrimaha gobollada Sanaag iyo Haylaan, iyagoo sheegay in aan cidina si xoog ah wax ugala wareegi karin Puntland deegaannadaas.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed Saciid ayaa xusay in sababtii hore Puntland ugu aqoonsatay maamulka SSC-Khaatumo ay ahayd duruufo dagaal oo markaas jiray, balse hadda ay arrimuhu yihiin sida uu hadalka u dhigay duullaan lagu yahay midnimada iyo jiritaanka Puntland.
“Puntland dadkeeda iyo dhulkeeda dastuurka ayey ku dhisan yihiin, Waa nasiib-darro in la isku dayo in la iska horkeeno dadkii dhulkooda si wadajir ah u difaacanayay,” ayuu yiri Cabdirisaaq.
Wuxuu sidoo kale si gaar ah u tilmaamay gobolka Sanaag ayaa yiri “Sanaag & Haylaan, Ingigiriis, kuwii qoryaha sitay & cid kastaa wax ka qaadi weyday ee bal kuwa wax dhoodhoohaya meeshay keenaan ayaan arkaynaa.”, isaga oo si weyn ugu eedeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya inay wado qorshe dalka gobollo gobollo loogu kala qeybiyo, si colaad loogu abuuro sida uu hadalka u dhigay shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu xusay in mowqifka dowladda dhexe uu si toos ah uga hor imanayo mabaadi’dii wadajirka iyo qaranimada Soomaaliya.
Sidoo kale, Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugatoor ayaa isna xusay in maamulka cusub ee Waqooyi Bari aysan wax shaqo ah ku lahayn halgankii lagu xoreeyey Laascaanood, isagoo xusay in Puntland ay bixisay taageero ballaaran oo dhinaca saadka, caafimaadka iyo difaaca ah.
“Marnaba Ismaanan laheyn xoreyntii Laasacaanood Xasan Sheekhaa idinka qaadaya. Hiilkii Puntland gashay ee garab istaag ahaa lama gudin,” ayuu yiri Lugatoor. Wuxuu sheegay in weli ay jirto fursad wax lagu sixi karo, haddii la rabo nabad iyo midnimo dhab ah.
Hadalka Puntland ayaa imaanaya xilli siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Sanaag oo qeyb ka ah maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya ay ku dhawaaqeen inay u socdaali doonaan gobolkaas si loo sugo shaqada maamulka cusub ee la dhisay. Puntland ayaa si cad u muujisay inaysan oggolaan doonin in maamul kale uu ka howlgalo Sanaag iyo Haylaan, iyadoo aysan wax heshiis ah la gaarin maamulka Puntland.
HBN ONLINE TV