Puntland oo si adag u cambaareysay kuna eedaysay DFS faragelinta SSC iyo Jubbaland

Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta soo saaray qaraar culus oo cambaareyn iyo digniin adag xanbaarsan, kaas oo lagaga hadlayo faragelin ay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) in ay ka waddo gobollada kala duwan ee dalka, gaar ahaan SSC-Khaatumo, Gedo iyo Jubbaland.

Qaraarkan ayaa lagu saleeyay Qodobka 64-aad ee Dastuurka Puntland iyo qodobbada 3-aad iyo 13-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, waxaana laga soo saaray fadhigii 24-aad ee kalfadhiga 56-aad ee maanta la soo xiray.

War-saxaafadeedka ayaa si cad u sheegay in “Golaha Wakiillada si adag u cambaareynayo faragelinta Dowladda Federaalka ku hayso gobollada Sanaag iyo Haylaan, taas oo horseeday khalkhal amni iyo bulsho” sida hadalka loo dhigay.

Goluhu wuxuu dowladda dhexe si toos ah ugu eedeeyay mas’uuliyadda buuxda ee ka dhalatay xasillooni-darrada laga dareemayo gobolladaas, iyadoo la tilmaamay in ficilladaasi yihiin kuwa khatar gelinaya wada noolaanshaha bulshada iyo nabadda guud.

Sidoo kale, Golaha Wakiillada Puntland ayaa DFS ku eedeeyay in ay si ula kac ah sida hadalka loo dhigay u hurineyso isku-dirka beelaha dega SSC-Khaatumo, si loo wiiqo midnimada iyo wadajirka bulshada deegaanka. Waxaa lagu sheegay in tallaabooyinkaasi yihiin kuwa siyaasadaysan oo lagu kala qaybiyay dad isku dan ah.

Dhinaca kale, Golaha Puntland wuxuu si adag u cambaareeyay dagaalka ka socda gobolka Gedo ayey sheegeen inay dowladda dhexe ka dambeysay, iyagoo ku tilmaamay falalkaasi mid ka dhan ah nidaamka Federaalka. Golaha ayaa tacsi u diray shacabka waxyeelladu ka soo gaartay dhacdooyinkaas, wuxuuna ka digay khataraha ka iman kara carqaladaynta dowlad-goboleedyada sharciyeysan.

Ugu dambeyntii, war-saxaafadeedka ayaa si kulul ugu dhaleeceeyay Dowladda Federaalka in ay ka gaabisay kaalintii ay ku lahaan lahayd taageerada shacabka iyo ciidamada ka dagaallamaya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo wajahaya weerarro joogto ah oo uga imaanaya kooxda Alshabaab.

Puntland ayaa sheegtay in DFS halkii ay garab istaagi lahayd ciidamadaasi, ay ku mashquulsan tahay abuurista khilaaf siyaasadeed iyo mid amni gobollada kale.

Golaha Wakiillada Puntland ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Dowladda Federaalka in ay joojiso faragelinta ay ku hayso maamulada kale, isla markaana ay ka shaqeyso mideynta dadaallada lagula jiro argagixisada, halkii laga sii hurin lahaa xiisado gudaha ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed