Ciidamada Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay jab xoogan u geysteen kooxda Daacish ee ku sugan fariisimaha buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, kadib dagaal culus oo maalintii labaad ka socda aagga togga Miraale.
Taliska Ciidamada Puntland ayaa sheegay in howlgalku uu yahay mid guulo la taaban karo laga gaaray, islamarkaana la jebiyey sida lagu sheegay war rasmi ah “dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee firxadka Daacish.”
“Ciidanku waxay saaka fuliyeen hawlgal ay ku jebiyeen dhaqdhaqyada ugu danbeeya ee firxadka Argagixisada Daacish. Hawlgalka ayaa socda maalintii labaad,” ayaa lagu yiri qoraal ay faafiyeen taliska howlgalka hoggaaminaya.
War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay sawirro hordhac ah oo muujinaya maydadka xubno ka tirsan Daacish oo ajaaniib u badan, taasoo muujinaysa sida uu dagaalku u culus yahay, waxaana Puntland sheegtay inay ka go’an tahay sifeynta kooxda.
Howlgalka ka socda buuraha Calmiskaad ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Puntland ugu jirto la dagaallanka kooxaha loogu yeero xagjirka ah ee halista ku haya ammaanka guud ee gobolka iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.
HBN ONLINE TV