Puntland ayaa soo dhoweeysay dad la soo xiriiray oo ka tirsanaa Daacish, kuwaas ka faa’iideystay cafiska uu u fidiyey madaxweyne Siciid Deni, taasoo loogu talagalay cid kasta oo hore ula shaqeynaysay kooxda, balse ka soo laabatay fikirkaasi, sida uu dhigayo go’aanka codsiga ah.
Inkastoo aan lasoo bandhigin dadkan isisoo dhiibay, haddana war-saxaafadeed kasoo baxay howlgalka la dagaalanka Daacish ee Hillaac, ayaa lagu sheegay in Puntland ay bogaadisay xubnaha maamulka iyo waxgaradka fududeeyay fursaddan, iyagoo gacan ka gaystay in dadkaasi ay is dhiibaan.
Sidoo kale, maamulka Puntkand waxa uu xusay in fursadda wali furan tahay inta uu ka dhammaanayo wakhtigii loogu talagalay toddobaadkan.
Puntland waxay caddeysay in hawlgalka loogu magac daray ciribtirka argagixisada uu sii socon doono ilaa guud ahaan gobolka laga saarayo kooxaha argagixisada. Maamulka ayaa mahad celin u diray shacabka, gaar ahaan dadka ku nool dhulka baadiyaha ah, kuwaasoo ay ku ammaantay inay si firfircoon uga warbixiyaan firxadka Daacish iyo cid kasta oo looga shakiyo falal amni darro.
Madaxweyne Deni ayaa dhawaan cafis u fidiyay cid kaste oo iskusoo dhiibta gacanta maamulkiisa, isagoo siiyay muddo 7 cishe ah inay uga faaidaystaan inay iskusoo dhiibaan, kana laabtaan fikirkooda. Waxaa xusid mudan in howlgalka hadda socda uu yahay wajigii seddexaad dagaalka dagaalka ka dhanka Daacish oo tan iyo December ee sanadkii hore socda.
HBN ONLINE TV