Puntland oo sheegtay in qobolkiiba laba ka hartay in laga xoreeyo buuraha Calmiskaad

Maamulka Puntland ayaa shaaciyay in wax ka yar 2% ay ka dhiman tahay in si buuxda loo xoreeyo deegaannada buuraha Calmiskaad, oo ay sheegeen inuu yahay goob istiraatiiji ah oo muhiim u ah amniga gobolka. Buurahaasi ayaa muddo lix bilood ah marti u ahaa dagaal culus oo wejiyo badan lahaa, kaas oo u dhexeeyay Ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish.

Warbixin ka soo baxday Ciidamada Puntland ayaa lagu sheegay in si guul leh uu ku soo dhammaaday wejigii 3-aad ee Howlgalka Hillaac, isla markaana la bilaabay wejiga 4-aad, kaas oo xoogga lagu saarayo, sifeynta firxadka Daacish ee ku haray Calmiskaad iyo diyaargarowga howlgalka “Onkod”, oo lagu beegsan doono buuraleyda Calmadow.

Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in dhulka laga xoreeyay kooxda Daacish, intii lagu guda jiray wejiyada 1-aad ilaa 3-aad ee howlgalka Hillaac, uu gaarayo dhul baaxaddiisu tahay 420km.

Qariirad ay soo dhigeen barahooda bulshada ayaa muujisay in wejigii saddexaad lagu wajahay shanta goobood ee muhiimka ah, waxaana lagu sheegay in lagu beegsaday Togagga Miraale, Baallade, Elaalo Yar, Guryasamo iyo Curaar.

Puntland ayaa sheegtay in howlgalka Hillaac uu ahaa mid istiraatiiji ah oo si xeeladeysan loo fuliyay, iyagoo xusay in wejiyada xiga ee howlgalka la sii wadi doono ilaa laga xaqiijiyo nabadgelyo buuxda iyo ciribtirka argagixisada ee gobolka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed