Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn diyaaradeed oo caawa ka dhacday deegaan Istiraatiiji ah oo farisiin u aheyd kooxda Daacish ee Buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
War kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee Ciidamada Puntland oo ayaa lagu sheegay in Duqeyn ka dhacday deegaanka Miraale ee buuraha Calmiskaad in lagu dilay ku dhawaad 30 xubnood oo ahaa sida warka loo dhigay firxad kooxda.
“Duqeyn ka dhacday deegaanka Miraale – Calmiskaad, waxaa lagu dilay 25 xubnood oo ka mid ah firxadka Daacish oo is urursanayey” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Ciidamada Puntland.
Sidoo kale, waxaa intaasi la sii raaciyey in duqeynta ay fulisay dowladda Imaraatka Carabta oo la sheegay inay Puntland ay ka taageerto burburinta goobaha ay ku uruuraan Daacish ee Buuraha Calmiskaad, waxaana duqeymo kale ay fuliyeen ay dheceen 21-kii ilaa 22-kii bishaan Febraayo.
Goor-hore oo maant ah, Ciidamada Puntland oo wada qabsashada deegaannada kooxda ay kala wareegayaan ayaa gudaha u galay deegaanka Dhadaar oo sida la carrabaabay loogu taga agab Caafimaad, Cunto qalalan iyo Rasaas. Waxaa la filaa sida aan ka soo xiganayno ilo ka agdhow hay’adaha amniga Puntland in howlgalka uu soo idlaan rabo wajigiisa labaad.
HBN ONLINE TV