Ciidamada Puntland oo maanta hogal ka sameeyay deegaanka Guryo-samo ee nawaaxiga Buqo ee buuraha Calmiskaad ayaa sheegay in lagu dilay shabakad kaga shaqeynaysay kooxda Daacish Miinoooyinka dhulka la galiyo ee meelaha fogfog laga hago.
Hawlgal qorshaysan oo saaka ka bilowday aagga Buqo-Caleed ayey ciidamadu carrabaabaeen inay ku guulaysteen soo af-jaridda sida hadalka loo dhigay koox miinaystayaal ah oo ka kooban 4 xubnood, kuwaasi oo jidadka gelin jiray miinooyinka rimoodka laga hago si ay waxyeello u gaarsiiyaan ciidamada Puntland ee ka howl gala aaggaasi.
“Ciidamada Puntland ayaa ku dilay Guryosamo oo hoostagta Buqo Afar xubnood oo katirsan argagixisada Daacish, gaar ahaan qeybtooda miinooyinka ku aastay waddooyinka” ayaa lagu yiri warka Ciidamada.
Sidoo kale, ciidamada Difaaca Puntland ayaa sheegay in la burburiyay talis weyn oo kooxdu ku diyaarin jirtay miinooyinka, iyaga oo gacanta ku dhigay hubkii iyo agab kale oo ay wateen kooxda la dilay.
Dagaallada ka socda buuraha Calmiskaad oo ku dhawaad 4 bil la isku wajahay gobolka ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawacyo, halka kooxda ay lumisay goobo badan oo Calmiskaad ah, taasi oo sababtay in Ciidamada Puntalnd guullo hor leh ka gaaraan dagaallada gobolka Bari ee Soomaaliya ka socda.
HBN ONLINE TV