Puntland oo sheegtay in howlgal ka dhacay Calmiskaad lagu dilay xubno Daacish ah

Maamulka Puntland ayaa shaaciyay in howlgal ballaaran oo ay ka fuliyeen ciidamada ammaanka, gaar ahaan aagga Walisoor ee buuraleyda Cal-miskaad in lagu dilay xubno ka tirsan firxadka Daacish oo sida lagu sheegay bayaan rasmi ah oo kasoo baxay.

Howlgalka oo la tilmaamay si qorsheysan loo fuliyay ayaa lagu bartilmaameedsaday godod ay kooxdu ku dhuumaaleysanayeen, waxaana ciidamada Puntland ay sheegeen inay dileen tiro ka mid ah maleeshiyaadka, isla markaana gubeen kaydad nuucooda aan la sheegin oo Daacish ku lahayd deegaankaas.
Warka kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada ay sii wadi doonaan dagaalka lagula jiro kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka, si loo xaqiijiyo amniga loogana xoreeyo dhulalka ay ku dhuumanayaan.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Puntland ku doonayso in lagu ciribtiro waxa loogu yeero khataraha argagixisada, gaar ahaan kooxda Daacish oo marar badan weerarro qaraxyo ah ka fulisay deegaano ka tirsan gobolka Bari.
Puntland waxay sheegtay in buuraha Calmiskaad oo in ka badan 6 bilood uu dagaal adag ka socday ayaa sheegtay in 98% Daacish ay kala wareegtay, ayna sii wadi doonto dagalka oo la gaarayo buuraha Calmadow.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed