Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa sheegay in maamulka Puntland uu si gaar ah ugu tiirsanaa dhaqaalihiisa gaarka ah intii uu socday dagaalka lixda bilood ah ee ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Lugatoor wuxuu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) aysan wax taakulo ah ku biirin dagaalkaas, inkasta oo Soomaaliya ay taageero dhaqaale iyo mid amni ka hesho beesha caalamka iyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika.
“Puntland waxay awood u yeelatay inay dhaqaalaheeda ku bixiso dagaal socda lix bilood” ayuu yiri Lugatoor. Wuxuu intaas ku daray in saldhigii ugu dambeeyey ee kooxdaas ku lahaayeen deegaanka Miraale la burburiyey.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland wuxuu tilmaamay in dagaalka ay hadda wadaan aysan qayb ka ahayn qorshaha amni ee ay dowladda federaalku caalamka u gudbiso, inkasta oo DFS ay dhowr jeer oo hore sheegtay inay garab taagan tahay Puntland.
HBN ONLINE TV