Puntland oo sheegtay in deeqihii caalamka hoos u dhac weyn ku yimid

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee Puntland ayaa maanta golaha wakiillada horgeeyay warbixintii ugu dambeysay ee ku saabsan xaaladda dhaqaale ee maamulka, taas oo lagu faahfaahiyay caqabadaha iyo hoos u dhaca dhaqaale ee jira.

Warbixinta Guddiga ayaa lagu sheegay in socdaallo ay ku tageen dhammaan gobollada Puntland ay ku ogaadeen qarashaad aan la bixin oo ku saabsan mushaharka shaqaalaha rayidka iyo ciidamada, taas oo sababtay cabashooyin badan.

Guddigu wuxuu sheegay in ay su’aalo weydiiyeen Wasaaradda Maaliyadda, islamarkaana ay soo baxday in inta badan xuquuqda maqan ay yihiin kuwa shaqaalaha rayidka ah, balse uu faray Wasaaradda inay qaaddo tallaabooyin degdeg ah oo lagu xaqiijinayo bixinta xuquuqdaas.

Sidoo kale, warbixinta ayaa muujisay in kharashaad badan ay xukuumaddu ku bixisay la dagaallanka kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari, taas oo keentay culeys maaliyadeed iyo deymo Puntland ay gashay.

Xogta Guddiga ayaa xustay in dhaqaalaha Puntland uu si weyn ugu tiirsan yahay ganacsiga badeecadaha kasoo dega dekedaha, balse ay xaaladdu sii adkaatay iyadoo la gaaray xiligii bad-xiranka. Waxaa sidoo kale lagu sheegay warbixinta in deeqihii iyo mashaariicdii caalamiga ah ee maamulka uga imaan jiray ay si aad u weyn hoos u dhaceen.

Ugu dambeyn, guddiga Maaliyadda ayaa ku taliyay in xukuumadda Puntland ay dejiso qorshe dhaqaale oo lagu yareynayo ku tiirsanaanta deeqaha iyo taageerada dibadda, isla markaana la xoojiyo ilaha dhaqaalaha gudaha.

Hadalka wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo maamulku hakiyey si guud wadashaqeyntii uu la lahaa dowladda dhexe, kadib markii khilaafka u dhexeeya uu gaaray meel aad u adag.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed