Puntland oo sheegtay in aysan aqoonsaneyn hannaan yagleelka SSC Khaatumo

Maamulka Puntland ayaa sheegay in gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn sharci ahaan ay ka mid yihiin Puntland, isla markaana aysan aqoonsanayn maamulka cusub ee SSC Khaatumo.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in beelaha dega SSC Khaatumo ay door muhiim ah ku lahaayeen dhismaha Puntland, sidaas darteedna aysan suurtagal ahayn in ay gooni uga baxaan Puntland la’aanteed wadatashi sharciyeysan.

“Inta laga helayo sifo sharci kah oo ku timaadda wadatashi, Gobolada Sool iyo Cayn iyo Beelaha dega waxay ka tirsan yihiin Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, Puntland waxay eedayn u jeedisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay faragelin ay ku hayso arrimaha gudaha ee Puntland.

“Waxaan cambaareynayna faragalinta ay Dowladda Federaalka ku hayso amniga iyo xasiloonida Dowladda Puntland, iyada oo rabta in ay burburiso amnigeena” ayaa lagu yiri bayaanka.

Hadalka Puntland ayaa imanaya xilli kulamo wadatashi ah ay ka socdaan magaalada Laascaanood, kuwaas oo lagu dhameystirayo hanaanka maamulka SSC Khaatumo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed