Wararka ka imanaaya buuraha Calmis-kaad ayaa sheegaya in howlgal ay fuliyeen Ciidanka Puntland ay dhul hor leh kaga saareen Daacish, kaasi oo ilaa galinkii dambe ee maanta ka socday gobolka Bari. Howlgal dhowr jiho ah oo ay qaadeen Ciidamada Puntland ayaa lagu sheegay in lagu qabsaday aagga deegaannada Curaar iyo Gaatir-oodan oo ka mid ah saldhigyadii ugu muhiimsanaa ee kooxdu haysatay.
Ciidamada ayaa soo bandhigay gawaari iyo mootooyin la sheegay in lagu burburiyey duqeymihii ugu dambeeyay ee laga fuliyay buuraha gobolka Bari. Inta uu howlgalku socday ayaa Ciidamadu sheegeen in goobaha ay qabsadeen laga helay xabaal wadareed ay kooxdu ku aastay sida hadalka loo dhogay xubno ku geeriyooday duqeymaha oo loo badinayo in ay ahaayeen kuwa sarsare, wallow aanay faahfaahin dheeraad ah ka bixin.
Sidoo kale, Puntland oo baaris dheeraad ah ka wada goobaha ay kooxda Daacish ay kala wareegtay ayaa carrabowday in la helay xogta nin Tunuusiyaan ah oo ahaa Madaxii kooxda ee Dhashaan ilaa Turmasaale oo isla kooxdu dishay.
Cabdullaahi Tunuusi ayaa ciidamada Puntland sheegeen in lagu dilay dagaal iyaga iyo kooxda ku dhexmaray Hararyo 11 bishan February in lagu dilay, waxaana lagu yiri warkooda “Meydka Cabdullaahi Tunuusi ayaa Daacish ay ku dhufatay Drone si aan loo aqoonsan”, iyada oo la sii raaciyey in la “helay dhammaan Dukumeentiyadii uu lahaa iyo qoraal uu qoray oo ku saabsanaa Tirada maleeshiyaadka uu xukumay iyo hubka ay heysteen”.
Tan ayaa ka dhigan sida ay Puntland guul weyn iyo dhammaadka kooxda oo hadda wajaheysa gulufkii ugu adkaa oo duqeymo iyo dagaal dhulka ah ku haya, tan iyo bishii December ee sanadkii hore ee 2024.
HBN ONLINE TV