Puntland oo sheegtay dowladda ka taageertay duqeyn lagu dilay in ka badan 30 xubnood oo Daacish ah

Taliska ciidamada Puntland oo guulo ka sheegtay duqeyn lala beegsaday fariisimo kooxda Daacish ay ku laheyd gobolka Bari ayaa faahfaahin ka bixiyey cida ka taageertay iyo qaabka ay howlgalkaasi ay fuliyeen.

Saraakiisha howlgalka Calmiskaad ayaa sheegay in Puntland ay howlgalka ka caawiyeen wadamada saaxiibada la ah, oo beegsaday labo goobood oo fariisin u aheyd kooxda oo ku yaala Far-jeerin iyo Buqo.

Afhayeenka Ciidamada Puntland Jeneral Maxamuud Maxamed Axmed ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga in duqeymahaasi lagu dilay 35 xubnood oo una badnaa Ajaanib, halka laga gubay sida warka u dhigay gaari saad u siday.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in duqeyntaasi ay Puntland ka caawisay dowladda Imaaraadka Carabta oo diyaaradaheeda ay beegsadeen goobaha ay kooxdu ku sugneyd oo ee gobolka Bari.

Xiliga ay duqeyntu dhacday Bayaanka ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in tirada xubnaha lagu dilay howlgallada ka socda gobolka Bari ay gaarayaan in ka badan 200 xubnood oo ka tirsanaa Daacish, lana sii xoojin doono.

Mareykanka ayaa horay duqeyn uga fuliyay deegaanno ka tirsan buuraleyda gobolka Bari oo uu ka socdo dagaalka ciidamada Punland iyo Daacish, waxaana warbixintii ugu dambeysay lagu sheegay in lagu dilay xubin muhiim ah iyo kuwa kale oo kooxda ka mid ahaa.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed