Puntland oo sheegtay dalalka ay u dhasheen Ajaaniib Daacish ah oo lagu dilay Dharjaale

Maamulka Puntland oo ka warbxiyey dagaalkii Saaka ay kooxda Daacish kula galeen deegaanka Dharjaale gobolka Bari ayaa waxaa ay soo bandhigay dalalka ay u dhasheen xubno ajaaniib ah oo isk qarxin iyo dagaal toos ah Ciidamadooda aagga hore ay isku wajaheen.

Wasiir Warfaafinya Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo faahfaahin kooban ka bixiyey dagaalka ayaa sheegay in xubnaha la dilay ee Ajaaniibta ahaa ay ka soo kala jeedaan dalalka Suuriya, Marocco iyo Itoobiya, gaar ahaan qowmiyada ee Xabashida.

Ma sheegin wax khasaare oo Ciidamada Puntland ka soo gaaray dagaalka oo weli maamulku sheegay in uu wado soo afjaridiisa, isaga oo tilmaamay sida uu hadalka u dhigay in cidna ka bad baadin kooxdii weerarka soo qaaday ee Daacish.

Goor sii horeysay Puntland ayaa sheegtay in dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Dhargaajaale ay ku dhishay 8 xubnood oo ajaaniib Daacish ah, kuwaa oo dagaal ismiidaamin ku bilowday Ciidamada maamulka ku ekeeyey.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed