Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamadooda ammaanka ay gacanta ku dhigeen nin ajaanibi ah oo ka mid ahaa firxadkii kooxda Daacish, kaas oo lagu qabtay Togga Baallade ee ku yaalla buuraha Calmiskad ee gobolka Bari.
War kasoo baxay laamaha ammaanka Puntland ayaa lagu sheegay in ninkan uu ka mid yahay xubnaha Daacish ee ka firxaday kadib markii laga saaray kooxda fariisimihii ay ku lahaayeen aagga Calmiskad. Tan iyo markii la laga awood roonaaday, firxadkooda ayaa si tartiib tartiib ah loogu qabanayaa togagga iyo buuraleyda deegaankaas.
Ciidamada ammaanka Puntland ayaa sii wada howlgalada lagu beegsanayo kooxaha loogu yeero Argagixisada, iyagoo ku adkeysanaya in aysan marnaba u oggolaan doonin inay mar kale saldhigyo ka sameystaan gudaha gobolka.
HBN ONLINE TV