Puntland oo raafka Itoobiyaanka si xawli ah ugu socdo

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa maalintii seddexaad si xowli ah uga wado Magaalooyinka waa weyn howlgal lagu raafayo ajaaniibta sharci-darrada ku joogta deegaannadeeda, ka dib amar ka soo baxay maamulka.

Howlgalka oo badi ka dhacay Garowe, Boosaaso iyo deegaannada gobolka Bari ayaa si gaar loogu bartilmaameedsaday dadka ka soo jeeda Itoobiya, waxaana saaka gaadiid dalkoodii dib ugu celinayo laga saaray halkaasi.

Muuqaalo ku baahay baraha bulshda ayaa muujinaya Ciidamada ammaanka Puntland oo gaadiid saaraya dad howlgalka socda lagu soo qabtay,iyadoo lagu celi doono sida ilo xog ogaal ah u sheegeen HBN ONLINE TV dalkoodii Itoobiya.

Inta badan Ajaaniibta ku sugan Garowe iyo Boosaaso ayaa la sheegay inay ka soo jeedaan qowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya. Waxaa kale oo xasbiyada lagu haaya dadka kale oo falal amni darro lala xariiyey, kuwaa oo badi Ajaaniib ah sida ay warbaahinta u sheegeen laamaha ammaanka Puntland.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa dhowaan soo saartay warqad ay ku amraysay in aan la shaqaaleysiin karin iyo aan lala samayn karin wax macaamil ah dadka soo galootiga ah ee aan sharci aan haysan.

Shir ay 26-kii bishaaan Janaayo isugu yimaadeen hay’adaha amniga Puntland ayaa lagu go’aamiyey in si buuxda loo xiro xuduudaha Puntland, iyadoo la qorsheynayo in dalka laga saaro ajaaniibta aan sharciga haysan.

Xog ay heshay warbaahinta madaxa banaan ayaa sheegaysa in dadka bartilmaameedka ah ay ka soo kala jeedaan dalalka Yemen, Itoobiya, Suuriya iyo dalal kale oo carabta ah, iyadoo dadka waraaqahooda sharciga ah aanay saameyn doonin raafka seddexda maalin ka socda gobolada Nugaal iyo Bari ee Soomaaliya.

Sababta dadka looga saarayo gobolada Puntland oo lagu sheegay falal amni darro inay qeyb ka noqdeen dad Ajaaniib ah ayaa ka dambeysay, ka dib markii nin Itoobiyaan ah lagu qabtay isagoo qarax ku aasay xili saqdhexe ah mid ka mid ah wadooyinka halbowlaha ah ee magaalada Boosaaso, kaasi oo uu ku qarxay isagoo howsha ku guda jiray, kadibna ay ciidamada ay dileen markii uu la dagaalamay.

Waxaa intaasi ka dib bilowday baaris iyo howlgalo lagu soo qabqabtay dad lala xariireyey in ninkaasi cilaaqaad la lahaayeen oo Daacish la shaqeynayey, iyadoo xabsiyada Boosaaso lagu xiray dad badan oo baaris ku socoto.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed