Puntland oo Qaramada Midoobay kala hadashay arrimo xasaasi ah

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa kulan uu la yeeshay George Conway oo ah Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, waxaana looga hadlay arimo badan oo gargaarka iyo kaalmada bini’aadanimo u badnaa.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadamnimo ee ka taagan deegaannada Puntland, gaar ahaan baahiyaha degdegga ah ee ka dhashay barakaca dagaallada ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, kuwa gudaha ah iyo doorka Qaramada Midoobay ee ku aaddan taageerada dadka ay saameeyeen colaadaha iyo abaaraha.

Bayaan kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Puntland kulanka kadib ayaa lagu sheegay in si gaar ah muhimad loo siiyay xasilloonida, iyadoo labada dhinac ay isla garteen in la xoojiyo iskaashiga Puntland iyo hay’adaha Qaramada Midoobay si loo dar-dargeliyo mashaariicda horumarineed iyo gargaarka degdegga ah ee dadka nugul.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobay taageerada ay siiso dadka Soomaaliyeed, isagoo sidoo kale ku booriyay hay’adaha deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah in ay si degdeg ah u soo gaaraan dadka ku barakacay dagaallada gobolka Bari.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed