Ciidamada Puntland ayaa gacanta ku dhigay laba nin oo ajanabi ah oo ka tirsan kooxda Daacish, kuwaas oo lagu qabtay buuraha Calmiskaad, iyagoo u socdaalayey dhanka magaalada Boosaaso.
War-saxaafadeed ka soo baxay maamulka ayaa lagu sheegay in labadaas xubnood lagu qabtay Togga Gaaca ee Baalade, uuna midkood ku hadli karo Af-Soomaali. Sidoo kale, ciidamada ayaa weli ku raad-joogaya koox kale oo firxad ah oo ku sugan deegaanka.
“Ciidanku waxay qabteen labo Ajaanib ah oo ka mid ah Firxadka Argagixisada Daacish, kuwaasi oo isku dayayey inay soo aadaan dhinaca Boosaaso, Hawlgalka ayaa ka dhacay Togga Gaaca. labada nin waa Itoobiyaan mid waxyar ka yaqaan Soomaaliga,” ayaa lagu yiri warka Puntland.
Inkastoo magacyada labada nin aan la shaacin, waxaa socda baaris iyo howlgallo joogto ah oo ka dhanka ah firxadka Daacish, kuwaas oo muddo ku dhow sanad ka socday buuraha Calmiskaad.
HBN ONLINE TV