Puntland oo nasiib darro ku tilmaantay go’aannaddii ka soo baxay Shirka golaha wadatashiga

Xukuumadda Puntland ayaa nasiib darro ku tilmaantay Go’aannadii ka soo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Magaalada Muqdisho ee arbacaddii lagu soo gabagabeeyey, waxaana ay sheegtay in uu xaalad hubanti la’aan ah uu u horseedayo Dalka.

War saxaafadeed ka soo baxay Shirka Golaha Xukuumadda Puntland ee Khamiista Maanta ah ayaa ku tilmaamay Go’aannadii Shirka Golaha Wadatashiga Qaran kuwa ka horjeeda Dastuurka KMG ah ee Dalka iyo Dastuurka Dowladaha Xubnaha ka ah DFS.

Golaha Xukuumadda Puntland ayaa sida oo kale ayiday sdia hadlaka loo dhiagy Go’aankii xalay ay soo saareen Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Puntland iyo Golaha Wakiilada Puntland, kuwaasi oo ka horyimid Qodobadii ka soo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho.

Sida oo kale Puntland ayaa bogaadisay Go’aanka Jubaland ee ku saabsan qabashada heerarka kala duwan ee doorashooyinka Jubaland sida hadalka loo dhigay si waafaqsan Dastuurka Jubaland, islamarkaana ay ku diidday mudda Kordhinta loo sameeyay Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka.

Puntland ayaa taageertay Baaqyada ka soo baxay Siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee Muqdisho oo ay ku jiraan Madaxdii hore ee Dalka, kuwaasi oo diiddan Go’aannadii Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed