Puntland oo meesha saartay canshuuraha laga qaadi jiray gaadiidka u raran Deegaanka Soomaalida

Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa soo saartay war qoraal oo ay ku sheegtay in gebi ahaanba la joojiyay canshuurihii laga qaadi jiray gaadiidka soo galaya gudaha deeganada maamulkaasi ee ka imaanaya Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda Puntland Axmed Jowle oo faahfaahiyey amarkan ka soo baxay ayaa sheegay in maamulka uu si gaar ah u dhiirigelinayo isu socodka ganacsi ee ka socda xuduuda ay la wadaagaan Dowlad Deegaanka Soomalida.

Dhamaan Saraakiisha Wasaaradda Maaliyadda iyo kuwa Ciidanka Booliiska ayaa lagu wargeliyay sida hadalka loo yiri in Gadiidka ka imaanaya xuduudka toobiya aan la wadaagno gaar, ahaana gobolka Doollo ee ismaamulka Soomaalida in aan laga qaadin wax canshuur ah, isla markaana loo fududeeyo soo gelidda deegaanada maamulka Puntland.

“Dhamaan Baraha Kantaroolada ee Dowladda Puntland waxaa la amrayaa in ay u hoggansamaan in ay gaadiidkaas u fududeeyaan isu socodka wadooyinka ay ku gaarayaan Dekedaha Garacad iyo Boosaaso, gaadiidkaas wuxuu isugu jiraa kuwo wada Xoolo iyo kuwa wada Shixnado ganacsi oo kale” ayaa lagu yiri bayaanka Puntland.

Ugu dambeyntii waxaa warqadda lagu cadeeyay in wixii badeeco ganacsi oo ay sidaan gaadiidka xamuulka ah ee ka soo galaya deeganada maamulka Puntland laga qaadi doono canshuuraha ku waajibay ee ah agabka ay sidaan.

Canshuur dhaafkan ayey maamulka puntland ku sheegeen inuu yahay mid fududeynaya isu socodka ganacsiga ee xuduudaha iskaga gudba ee u dhaxeeya maamulka Pintland iyo kan Dowlad Deegaanka Soomaalida.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed