Maamulka Gobolka Sanaag ee Puntland ayaa mamnuucay shirarka siyaasadeed ee aan oggolaansho rasmi ah ka haysan maamulka in lagu qabto gudaha magaalooyinka gobolka oo xiisado Siyaasadeed oo aad u adag ay taagan yihiin .
Qoraal kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Siciid Axmed Jaamac (Badmaax) ayaa lagu faray in si degdeg ah loo joojiyo dhammaan shirarka aan maamulka gobolka iyo Puntland oggolayn. Warqadda oo ku socotay taliyaha qaybta gobolka, guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo hay’adaha ammaanka, ayaa lagu xusay in si gaar ah loo mamnuucay in gudaha gobolka ay ka howlgalaan gaadiid aan wadan taarikada Puntland, gaar ahaan kuwa wata taarikooyinka Somaliland iyo SSC-Khaatumo.
“Waxaan ku wargalinayaa masuuliyiinta ay warqadani sida tooska ah ugu socoto in la joojinayo lana mamnuucay in shir aan maamulku ogayn lagu qabto gabi ahaanba magaalooyinka Gobolka Sanaag” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxaa sidoo kale lagu xusay in meelaha gaarka loo leeyahay sida hoteellada iyo hoolasha aan lagu qaban karin shirar noocaas ah.
Guddoomiyaha gobolka ayaa tilmaamay in tallaabadani ay tahay mid lagu ilaalinayo sida ku xusan warqadda uu soo saaray amniga iyo xasilloonida gobolka, loogana hortagayo falal keeni kara isku dhacyo siyaasadeed ama mid bulsho.
Arrintan ayaa imaneysa xilli gobolka Sanaag ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay wadaan dhinacyo kala duwan, iyadoo xiisad siyaasadeedna ay ka taagan tahay deegaanno ka mid yihiin Ceelbuh, waxaana Puntland ay horey u muujisay inay xoojin doonto amniga gobolka, isla markaana aan la oggolaan doonin faragelin aan waafaqsanayn sida la tilmaamay nidaam maamulkooda kasoo horjeeda.
HBN ONLINE TV