Puntland oo Mamnuucday Shirarka Mucaaridka ee Garoowe

Maamulka Puntland, gaar ahaan duqa degmada Garoowe ayaa si cad u mamnuucay in shirar siyaasadeed ay ka dhacaan caasimadda maamulkaasi, iyadoo si gaar ah loo bartilmaameedsaday xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Guddoomiyaha Garoowe Cabdulqaadir Axmed Geeddi oo khudbad adag jeediyey ayaa shaaciyay in aysan ogolaan doonin shirar mucaaradku ku qabtaan magaalada. Waxa uu ku sababeeyay go’aankan in uu la xiriiray arrimo amni, gaar ahaan dagaalka ay maamulka Puntland kula jiraan kooxda Daacish.

Guddoomiyuhu wuxuu si cad u sheegay in aan shir dambe lagu qaban karin magaalada Garoowe in aysan jiri doonin xafiisyo siyaasadeed oo cusub oo laga furi karo magaalada, in shirka kasta laga rabo oggolaansho dowladeed ka hor inta aan la qaban in dadka hoteellada leh iyo kuwa ku shiraya goobaha kale ay waajib ku tahay inay diidaan shirar aan lagu wargelin maamulka.

“Shir dambe laguma qaban karo, xafiisna lama furi karo. Magaaladan shir, saxmad iyo qeylo uma baahna, haddaa ku sii socotaanne [Mucaaradka] waxaad ogaa doontaan in gacmaha la idinka qaba doono” ayuu yiri guddoomiy garowe Cabdulqaadir.

Go’aankan wuxuu muujinayaa xasilooni darro siyaasadeed iyo kala shaki sii xoogeysanaya oo u dhexeeya maamulka Puntland iyo xubnaha mucaaradka. Isagoo sii hadlayey ayuu yiri ” Waxaan leeyaahy dadka Hoteellada leh iyo dadka meelaha ku shiraya – shir aan dowladdu ogeyn magaalada laguma qaba karo”.

Wuxuu sidoo kale ugu goodiyey mucaaradka in haddii ay isku dayaan inay amarro jabiyaan, tallaabo adag laga qaadi doono, isagoo xusay in dad hore loogu diiday inay yimaadaan magaalada sabab la xiriirta amni.

Mamnuucista shirarka iyo hanjabaadaha la socda waxay dhaawici karaan sida ay sheegayaan dadka siyaasadda lafa-gura hanaanka siyaasadda Puntland, isla markaana dhalin kara su’aalo ku saabsan xorriyadda hadalka iyo isu imaatinka soo bandhigid afkaaraha.

Waxaa laga yaabaa in arrintan ay sii kiciso xiisadda siyaasadeed ee ka jirta Puntland, iyadoo mucaaradku u arki karaan tallaabadan mid lagu cabburinayo codkooda iyo xorriyaddooda siyaasadeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed