Puntland oo lagu eedeeyay weerar ka dhacay degmada Boocame ee gobolka Sool

Wararka ka imanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in uu iska hor imaad ka dhacay degmada Boocame uu sababay dhaawacyo, iyadoo lagu eedeeyay ciidamo ka amar qaata Madaxtooyada Puntland inay weerar kusoo qaadeen degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Boocame, Mahdi Rashaad, ayaa sheegay in weerarka uu ujeedkiisu ahaa in qalqal amni laga abuuro magaalada, sida uu hadlaka u dhigay. “Ciidamo ka amar qaata Madaxtooyada Puntland ayaa Boocame nagu soo weeraray,” ayuu yiri Mahdi Rashaad.

Dhinaca kale, maamulka Puntland weli kama uusan hadlin eedeynta la xiriirta weerarka Boocame. Degmadu waa deegaanka uu kasoo jeedo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor, kaas oo horey u sheegay in Boocame ay si buuxda uga tirsan tahay Puntland.

Puntland ayaa horey uga hor istaagtay in degmada Boocame, oo qiyaastii 70km u jirtaa magaalada Garowe, ay ka dhacdo diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo cod ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka wadday deegaannada ee maamulka Waqooyi Bari.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed