Ciidamada ammaanka Puntland ayaa sheegay inay si buuxda ula wareegeen xerada Ciidanka Gaarka ah ee Puntland (PSF) ee magaalada Gaalkacyo, kadib dagaal culus oo saaka aroortii ka qarxay waqooyi-bari ee magaalada.
Dagaalka ayaa billowday saacadihii hore ee saaka, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Goobjoogayaal ayaa sheegay in rasaas iyo madaafiic ay ku dhaceen xaafado ay deggan yihiin dad rayid ah, taasoo cabsi gelisay shacabka magaalada.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay gudaha u galeen xerada PSF, islamarkaana ay la wareegeen saldhigga iyo gaadiid ciidan oo yaallay halkaasi. Ilo wareedyo ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadii PSF ay goobta isaga baxeen, inkastoo warar aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin ay sheegayaan in illaa siddeed askari ay isku dhiibeen ciidamada Puntland.
Iska horimaadka ayaa sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca toddobo kale, iyadoo shan kamid ah dhaawacyada la sheegay inay yihiin askar ka tirsan dhinacyadii dagaallamay oo loo qaaday isbitaalka magaalada.
Xerada maanta la qabsaday ayaa muddooyinkii dambe ahayd goob ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka waday qorista ciidamo cusub oo laga keenayay deegaannada Puntland, taasoo qayb ka ahayd qorshe lagu dhisayo ciidamo cusub.
Kadib howlgalka, Ciidanka Booliiska Puntland ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen kooxo hubeysan oo ay ku eedeeyeen inay khatar ku ahaayeen amniga iyo kala dambeynta. Waxay sidoo kale sheegeen in howlgalka uu weli socdo, isla markaana tallaabooyin sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo falal amni-darro ku lug yeelata.
Xiisadda u dhexeysay Puntland iyo PSF ayaa soo jiitamaysay maalmihii la soo dhaafay, kadib markii PSF ay ku dhawaaqeen inay ka amar qaadanayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ciidanka PSF ayaa xaruntooda ugu weyn ku leh magaalada Boosaaso, halkaas oo sanadkii 2021 uu ka dhacay dagaal culus oo maalmo socday oo u dhexeeyay PSF iyo ciidamada Puntland.
Dhanka PSF, ilaa iyo hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ay ka soo saareen dagaalka iyo sheegashada Puntland ee la wareegista
xeradooda.
HBN Online TV

