Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Cismaan lugatoor, ayaa soo saaray Xeer dhigaya cafis loo fidinaayo maxaabiis ku xiran xabsiyada maamulkaas, sababta ayaa lagu sheegay :- Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo Munaasabadda Ciidul-Fidriga.
Maxaabiista ayaa tiro ahaan gaareeyso 50 Maxbuus oo ku kala jira Xabsiyada kala duwan ee Puntland, kuwaas oo qabo dambiyada fudud, isla markaana si rasmi ah loogu dhawaaqay in ay dib ugu laabtaan eheladoodii.
Maamulada kala duwan ee ka jira deegaannada Soomaalida ayaa cafis nuucaan oo kala ah u fidiyo maxaabiista xilliyadaan oo kale, balse dadka qaar ayaa dhaliilay tirada laga sii deynayo Puntland kuwaas aad u yar marka loo eego maxaabiista ku xiran maamulkaas.
HBN NEWS DESK