Puntland ayaa ku dhawaaqday in deegaanadeeda ay ka jirto abaar ba’an oo saamaysay in ka badan hal milyan oo qof, taasoo laga dareemayo dhammaan gobollada maamulka.
Madaxweynaha ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cusmaan Lugatoor, oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada, ayaa sheegay in xaaladdu tahay mid adag, si baahsanne u saameysay dad iyo duunyada, iyagoo ku baaqay in loo baahan yaahy gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah.
Shirka jaraa’id ee warbaahinta loo akhriyey ayaa cadeeyey in abaartan ay tahay mid aan horey loo arag, ayna ka dhalatay isbedelka cimilada iyo roobabkii oo yaraaday, taasoo si weyn u saamaysay nolosha dadka iyo duunyada ku nool gobollada Sool, Cayn, Sanaag, Haylaan, Bari, Raasi-casayr, Karkaar, Nugaal iyo Mudug.
Lugatoor ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka, bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in ay si dhaqso leh uga jawaabaan baaqa Puntland, si loo badbaadiyo dadka ay abaartu saameysay, loogana hortago dhibaato bani’aadantinimo oo sii fida.
Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in ay waddo qorshayaal lagu yareynayo saamaynta abaarta, oo ay ku jiraan dadaallo lagu sahminayo meelaha ugu daran ee dhibaatadu ka jirto. Si kastaba ha ahaatee, maamulka ayaa qiray in kheyraadka jira uusan ku filneyn wax ka qabashada baaxadda dhibaatada.
Abaarta ka taagan Puntland ayaa qayb ka ah xaalad guud oo ka jirta Soomaaliya, taasoo sababtay biyo la’aan, cunto yari, iyo barakac ballaaran, iyadoo loo baahan yahay gargaar degdeg ah si loo badbaadiyo nolosha dadka ku nool gobollada ay abaartu ku dhufatay.
Shantii bishaan maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in deegaanadadeedu ay wajahayaan xaalad abaar ah oo si daran u saameysay nolosha dadka iyo duunyada, taas oo dhalisay macluul, biyo la’aan, raashin yari, cudurro faafa iyo nafaqo-darro si gaar ah u taabaneysa haweenka iyo carruurta.
HBN ONLINE TV

