Puntland oo ku dhawaaqday in lasoo afjaray dagaalkii Daacish

Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyay in uu soo afjaray dagaalkii lagula jiray kooxda Daacish (IS) ee ku sugneyd buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo muddo sanad ku dhow ay ka socdeen howlgallo culus oo ay wadeen ciidamada amniga ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo maanta khudbad jeediyay ayaa ku dhawaaqay in guul muhiim ah laga gaaray dagaalkii ka socday Calmiskaad, isagoo sheegay in ciidamada Puntland ay burburiyeen fariisimihii iyo goobihii ay kooxdaasi ku sugneyd, marka laga reebo tiro yar oo dagaalyahanno ah oo uu ku sheegay inay firxad ku yihiin halkaasi.

“Waxaan maanta halkan kaga dhawaaqayaa in la afjaray dagaalkii Daacish, kadib markii ay burburiyeen ciidamada Puntland goobihii iyo fariisimiihii cadowga, marka laga reebo tiro yar oo firxad ah,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Deni ayaa ammaanay ciidamada Puntland oo uu ku sifeeyay kuwo muujiyay geesinimo iyo dadaal joogto ah oo ay ku difaacayaan ammaanka iyo xasilloonida gobolka Bari.

Puntland ayaa sanadkii la soo dhaafay dagaal adag kula gashay kooxda Daacish oo saldhigyo ku lahayd buuraha Calmiskaad, halkaas oo ay ka fulin jireen weerarro iyo falal amni-darro ah.

Khudbadda Madaxweyne Deni ayaa lagu tilmaamay mid muujineysa guul siyaasadeed iyo mid militari oo ay Puntland ka gaartay dagaalka lagula jiray kooxaha xagjirka ah ee gobolka Bari.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed