Puntland oo ku dhawaaqday in deegaanno Istiraatiiji ah kala wareegtay Daacish oo ay dagaal adag la gashay

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa ku dhawaaqay inay si rasmi ah ula wareegeen deegaann oo ku yaalla buuraha gobolka Bari, halkaas oo horey ay u maamulayeen kooxda Daacish.

Ciidamada Puntland ayaa galinkii dambe ee maanta dagaal adag oo ay la galeen Daacish waxay kula wareegeen deegaannada kal ah Feegaannada, Qurac iyo Damdamaale oo ka tirsan Buuralayda Calmiskaad, Kana mid ahaa deegaanadii ay horay gacanta kooxda ugu jiray.

Ciidmada oo sheegay in weerar jihooyin kala duwan leh ay ku qaadeen deegaanka Qurac iyo Hareerihiisa ayaa tilmaamay inay jab xooggan ay ugu geysteen kooxda Daacish, iyagoo kala wareegay dhammaan degaanadii lagu dgaalamay .

Sidoo kale, Ciidamadu ayaa soo bandhigay tiro ka mid ah kooxda oo lagu dilay Dagaalkan maanta dhacay seddexda deegaan, waxaana badi ay ahaayeen Ajaanib wadamo kala duwan u dhashay.

Helidda Xogta dagaalkan Maanta ayaa ah Mid aad u Kooban Maadaama Goobaha Dagaalku ka dhacay yihiin Bartamaha Buuralayda oo isgaarsiintu ay ku yar tahay, iyada oo uu shaqaynayo kaliya qalabka isgaarsiinta Ciidamada ee satellite-ka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed