Puntland oo ku dhawaaqday in dal-ku-galka deegaannadeeda laga bixin doono iyo aqoonsi gaar ah

Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqday in adeeg dal-ku-galka ee lagu soo gali doono deegaannadeeda, taasi oo ay si toos ah u bixin doonto Wasaaradda Amniga gudaha — fariin loo fasiray mid ka hor imaaneysa nidaamka E-visa ee ay hirgelisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Go’aankan ayaa ka mid ahaa qodobbadii ka soo baxay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Puntland, oo uu guddoomiyey Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, isaga oo ay weheliyey Ku-xigeenka, Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Qodobadii ugu muhiimsanaa ee ka soo baxay shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu sheegay in Golaha Wasiirrada uu go’aamiyey in Wasaaradda Amniga Puntland dib loogu celiyo adeegga bixinta deganaanshaha iyo dal-ku-galka dadka ajaanibta ah ee yimaada deegaannada Puntland. Waxaa sidoo kale la isku raacay in 1-da Janaayo 2026 si rasmi ah loo hawlgeliyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Puntland (PID).

Sidoo kale, Golaha ayaa dhegeystay warbixin ku saabsan xaaladda abaareed ee ka jirta gobollada Puntland. Golaha Wasiirrada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey degmooyinka Ceelbuh iyo Baraagaha-qol, oo dhawaan uu degmooyin rasmi ah u magacaabay Madaxweynaha Puntland.

Golaha ayaa loo qaybiyey Wax-ka-beddelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo Dhismaha Dowladaha Hoose ee Puntland, si looga doodo oo loo ansixiyo shirarka xiga. Wasaaradda Deegaanka Puntland ayaa Golaha la wadaagtay warbixin iyo talo soo jeedin ku saabsan xal u helidda dhibaatada bacaadka fidaya ee si weyn u saameeyay deegaanada maamulkaasi.

Go’aamadan ayaa imaanaya iyadoo khilaaf siyaasadeed uu weli ka taagan yahay xiriirka Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada maaliyadda, doorashooyinka iyo nidaamka dowlad-dhiska.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed