Puntland ayaa maanta ku dhawaaqday in magaalooyinka Ceel-Buh ee gobolka Sanaag iyo Baraagaha-Qol ee Haylaan si rasmi ah loogu magacaabay degmooyin hoos taga maamulka, iyada oo loo sababaynayo baahiya jira xukuumaddu ay dalbatay.
Tallaabadan oo uu xeer Lambar 6 ku ansixiyey Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa qeyb ka ah qorshihiisa lagu kordhinayo saamiga siyaasadeed ee gobollada Sanaag, Haylaan iyo Bari, kaddib shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Boosaaso oo dhexmaray isimada dhaqanka ee gobolladaasi.
Warqadda magacaabista degmooyinka cusub oo ka soo baxday madaxtooyada Puntland kuna taariikheysnayd 3-da Sebteembar ayaa lagu sheegay in go’aankaasi ka dhashay baahi iyo talo soo jeedin ka timid Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.
“Madaxweynaha Puntland wuxuu xeeriyey in la dhisay Degmada Ceel-Buh oo ka mid noqonaysa degmooyinka gobolka Sanaag, iyo Degmada Baraagaha-Qol oo ka mid noqonaysa degmooyinka gobolka Haylaan,” ayaa lagu yiri qoraalka ah ee ka soo baxay madaxtooyada.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in toddobaadyada soo socda la filayo magacaabista masuuliyiin cusub oo wasiirro, agaasimayaal, taliyaal ciidan iyo xilal kale ah, si loo dhiso maamulka degmooyinkan cusub.
Geesta kale, masuuliyiinta Maamulka Waqooyi Bari oo dhawaan Laasacaanood lagu dhisay ayaa warqada madaxweyne Deni ku tilmaamay Faragalin aan loo meel dayin oo laga wado gudaha Magaalooyinka Maamulka Waqooyi Bari, iyaga oo ka digay in arintaan ay keento sida hadalka u dhigeen hurin colaad sokeeye.
Somaliland oo sheegta isla degmadaan la Ceelbuh ayaa horay u sheegay inay heegan ku jiraaan ciidamadeeda, si talaabo looga qaado cid walba oo soo faragashata magaalada iyo arimaha gobolka.
HBN ONLINE TV