Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay inuu gali doono dagaal xagjir ah oo kaasi oo uu faray shacab inay qaataan hubka si loo soo afjaro.
Dagaalkan oo ka dhan kooxaha ka dagaalama Puntland ee Daacish iyo Alshabaab ayaa Puntland sheegtay inay dooneyso sida ay hadalka u dhigtay soo afjaridooda.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyas Osman Lugatoor oo khudbad u jeediyey 36-ka maayar ee degmooyinka maamulka ayaa sheegay in dagaalkan oo saf balaaran ah uu laga wada qeyb qaada doono.
Waxaa uu carrababay in dagaalka uu noqo doono mid qaran, kaasi oo la doonayo in laga qeyb qaato, iyada oo loo diyaariyey ciidamadii ka qeyb noqon lahaa.
,”Laba bilood ayuu Madaxweynihii xafiiska ka maqan yahay oo wuxuu fadhiyaa, dagaalku waa dagaal qaran” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeen Lugtoor.
Bilihii ugu dambeeyey Puntland ayaa deegaannadeeda ka abaabuleysay dagaalka ka dhanka kooxaha Alshabaab iyo Daacish oo fariisimo ku leh dhulka howdka ah ee gobolada Bari ee Soomaaliya.
HBN ONLINE TV