Puntland oo ku adkeysatay mowqifkeeda ka dhanka ah madasha Wadatashiga Qaranka

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si cad oo adag u shaaciyay in maamulkiisu aanu dib ugu laaban doonin Madasha Wadatashiga Qaran, ilaa iyo inta lagu soo noqonayo sida hadalka u dhigay heshiisyadii hore ee la ansixiyay balse la jabiyay. Hadalkan oo si toos uu ugu dhaleeceeyey dowladda federaalka ayuu ku iftiiminayey khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Puntland iyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Siciid Deni oo ka hadlayay xaaladda siyaasadeed ee Puntland iyo xiriirka federaalka ayaa si adag u tilmaamay in madashu ay lumisay sida uu isagu qabo sharciyaddeedii iyo kalsoonidii laga qabay:

“Madasha Wadatashiga Qaran waxa aan uga maqanahay wixii lagu heshiiyey oo laga leexday, ilaa lagu soo noqdona cidi ku noqon-mayso. Xasan haka dhabeeyo ballan-qaadka gogosha, hana ku soo noqdo wixii lagu heshiiyey ” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Go’aan Puntland ayaa ku soo beegmaya xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud dhowaan ku casuumay madaxda dowlad-goboleedyada dalka inay ka soo qeyb galaan Shirka Madasha Wadatashiga Qaran, si looga arrinsado xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga, doorashooyinka, dastuurka iyo dagaalka kooxaha Daacish iyo Alshabaab.

Puntland ayaa si degdeg ah uga falcelisay casuumaaddaas, iyadoo si toos ah u diiday ka-qaybgalka madasha, taasoo markale caddeynaysa mowqifkeeda adag ee ku saleysan ku-dhaqanka heshiisyada hore.

Doodda Puntland maxay salka ku haysaa?

Jabinta Heshiisyadii Hore: Puntland waxay si gaar ah uga cabaneysaa in Madaxtooyada Soomaaliya ay jebisay heshiisyo siyaasadeed oo hore loogu gaaray madashii hore, gaar ahaan kuwa ku saabsanaa doorashooyinka, habka awood-qaybsiga iyo talo-wadaagga heer federaal.

Kalsooni darro Siyaasadeed: Puntland waxay u aragtaa in aan wax tixgelin ah laga siin nidaamka federaalka ah, isla markaana laga tagay doorkeedii siyaasadeed. Waxaa jirtay dhaliil joogto ah oo ay Puntland u jeedinaysay Madaxtooyada Soomaaliya, taasoo ku saabsan sida loola dhaqmay dowlad-goboleedyada kale, iyadoo laga tagay hanaankii wadaagista awoodda.

Arrintan waxay fure u noqon kartaa isbeddel cusub oo ku yimaadda xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, iyadoo suuragal ah in mowqifka Puntland uu dhiirrigeliyo maamullo kale inay su’aalo ka keenaan hannaanka hadda socda.

Inkasta oo dowladda Soomaaliya cadeysay in dalab ka soo qeyb-gal ah shirka u dirtay Puntland, hadane hadalka Deni wuxuu meesha ka saarayaa in maamulka soo xaadirayo shirka loo balansan yahay horaanta bisha May ee inaga soo aadan, waxaana siyaasiyaasiyiinta mucaaradku ka qeyb-galkooda cadeeyeen badi.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed