Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo maanta lagu qabtay magaalada Boosaaso oo looga hadlay howlgalka ka dhanka ha kooxda Daacish ayaa waxaa ka soo baxay qaraar xubnaha beesha Caalamka uu maamulku ku waysdiistay gargaar degdeg ah.
Wasiirada Arimaha gudaha & Warfaafinta Puntland Cabdi Faarax Juxa iyo Maxamuud Caydiida Dirir oo shir jaraa’id qabtay ka dib markii uu shirku soo dhamaaday ayaa sheegay in golahu aad u soo dhaweeyey howlgalada kooxda looga qabsaday goobaha badan.
Wasiiradda ayaa sheegay in shirka ay ka soo bexeen baaq loogu dirayo Hay’addaha gargaarka Qaramada Midoobey & Markeykanka ee USAID, si ay kaalmo ugu fidaan ayna il gaar ah ugu hayaan dadka dadka dagaalku uu saameeyey.
Ugu dambeyn waxay carrabaabeen in si dardar ah ay ku socdaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish oo goobo istiraatiiji ah laga qabsaday, iyaga oo ku raja weyn in wakhti kooban lagu soo afjaro sida ay qabaan howlka.
HBN ONLINE TV