Puntland oo ka mamnuucday in lagu safro deegaannada xeebaha ee uu ka socdo Hawlgalka Hilaac ka dhanka ah Daacish

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Shir-Guddoomiyey Shirka dardargelinta dhameystirka howlgalka loogu magac daray Ciribtirka Argagixisada ee Hillaac oo wejigii saddexaad marayo meel gebogebo ah, waxaana inta uu socday ka soo baxay go’aamo adag.

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Puntland ee ka shaqeynaya howlgalka ayaa Saciid Deni warbixin uga dhegaystay masuuliyiinta.

Markii uu soo dhamaaday shirka ayaa ka soo baxay afar qodob oo culus, kuwaa oo lagu Go’aamiyey in dhaqangalintooda horay laga bilaabo.

Madaxweyne Deni waxaa uu faray Laamaha Amniga in tallaabo adag laga qaado hubka sharci darada ah, Gaadiidka lagu keeno iyo cidkastoo ku lug leh, iyadoo markale lagu celiyay mamnuucida Ajaanibta Sharci darada ku soo gelaya Puntland iyo qulqulka tahriibta. Masuuliyiinta heer degmo, Gobol iyo saraakiisha Amniga ayaa la faray in ay ka howlgalaan qululka tahriibta.

Qodobka ugu culus waa mamnuucay in Doonyaha iyo saxiimadaha ay isticmaalaan xeebaha howlgalka Hilaac ka socdo, iyada oo aanay jiri doonin in fasax la’aan doon soo gasho xeebahaasi.

“Illaa Amar danbe waxaa Gaadiidka Badda (Saxiimadaha/ Doonyo) ee rakaabka iyo xamuulka laga mamnuucay xeebaha deegaannada hawlgalku ka socdo, wixii xaalad gaar ah waxay ku safrayaan ogolaansho” ayaa lagu yiri warka Puntland.
Mar kale, ayaa lagu warka Puntland lagu sii yiri “Waxaa la joojiyay in wax Raashin iyo sahay ah oo aan ogolaansho haysan, ama la aqoon meesha ay u socoto, u gudbaan deegaannada hawlgalku ka socdo”.

Kulanka maanta ayaa lagu bogaadiyey shacabka dalka iyo dibaddaba garab istaaga ugu muujiyey Ciidamada howlgalka ku jira.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed