Puntland oo Hay’addaha amnigeeda u fasaxday cidii qalalaase ka sameysa deegannadeeda.

Madaxweyna ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugatoor ayaa khubad uu ka jeediyey magaalada Gorowe ka sheegay in hay’addaha amniga maamulkaasi ay u fasaxanyihiin in talaabo sharci ah laga qaado ciidii qalalaase ka sameysa sida uu hadalka u dhigay deegaannada maamulkaasi.

Waxaa uu sheegay ku simaha madaxweyanaha Puntland Ilyaas in dowladda Soomaaliya ay qalalaase ka wado sida uu yiri maamul goboleedyada dalka, si deganaashiyo la’aan looga abuuro ayna dhaqaale ku bixineyso arintaasi.

Ilyaas ayaa carrababay in uu jiro nin uu sheegay in uu qalalaase ka wado magaalada Baran ee gobolka Sanaag, waxuuna Hay’addaha amniga Puntland faray in aysan masuuliyiinta sare uga baahaneyn wax fasax ah oo tilaabo ay ka qaadi karaaan.

“Hey’adaha dowladdu waxa ay u fasaxan yihiin in tallaabo laga qaado kuwa qalalaasaha wada ee Xamar laga soo gamay, waad arkayseen nin waalan oo Badhan wareegaya” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Ilyaas Lugtoor.

Waxaa uu bogaadiyey madaxweynaha Jubbaland oo uu sheegay in uu bad baadiyey maamulkiisa, isaga oo tilmamaay in uu soo dhaweynayo doorashadiisa maamulka oo ay kala shaqeyn doonaan qabsoomideeda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed