Puntland oo guulo kale ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Daacish

Ciidamada Puntland ee ka howlgala gobolka Bari ayaa sheegay in ay guulo cusub ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaya buuraha Calmiskaad, kadib howlgallo isdaba joog ah oo ay fuliyeen saacadihii la soo dhaafay.

Howlgal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ay fuliyeen ciidamada buuraha ayaa sababay in Daacish laga saaro goobo istiraatiiji ah oo ay muddo ku sugnaayeen, waxaana ciidamadu ku guuleysteen in ay la wareegaan deegaanada ceelka Carabi, Buur Gunburi, God-gudban iyo dusha sare ee ceelka Maraagane, kuwaas oo dhammaantood hoos yimaada togga Baallade. Goobahaasi ayaa ahaa xarumo ay ku dhuumanayeen dagaalyahanada firxadka ah ee Daacish.

Sidoo kale, ciidamada Puntland ayaa Daacish kala wareegay 9-rati, 4-dameer iyo agab muhiim ah, halka ay xaqiijiyeen raadadka maydadka dagaalyahanadii Daacish oo lagu dilay duqeymaha ay fuliyeen saaxiibbada caalamiga ah. Wararku waxay intaas ku darayaan in maydadkaasi ay ku jireen qaar la aasay iyo kuwo burburay oo duqeymaha iyo dagaalka ku dhintay.

Saraakiisha howlgalka ayaa sheegay in tani ay tahay qeyb ka mid ah sida ay hadalka u dhigeen dadaallada joogtada ah ee Puntland ku ciribtirayso waxa loogu yeero argagixisada, kuwaas oo ku dhuumaaleysanaya buuraha iyo togagga gobolka Bari.

Shalay, Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada ayaa lagu sheegay in Guutada 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ay la wareegeen deegaannada Ceelka Garooba, Ceelka Dhasaqan, Lugta Dhanaan, Ablaaya iyo buuraha Dalfalo, kuwaas oo ururka Daacish u ahaa sida la tilmamaay fadhiisimo istiraatiiji ah.

Sidoo kale, waa gowgalkii 3-aad, tan iyo 9-kii bishan Agoosto, kadib markii Puntland ay shaacisay in ciidamadeedu ay fuliyeen howlgal kale oo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Daacish, kaas oo ka dhacay buuraha Calmiskaad iyo deegaannada ku dhow.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed