Puntland oo war ka soo saartay deegaanno dhowr ah oo ay kooxda Daacish kala wareegeen ciidamadeeda saacadihii la soo dhaafay ayaa guullo hor ka sheegatay dagaalka ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Ciidaamada Puntland oo horay u qabsaday deegaannada Tasjiic iyo Xabley ayaa sheegay in inta u dhexeysa ee goobood ay gacanta kaga dhigeen Kooxda.
“Deegaannada Ciidanku kala wareegay firxadka Argagixisada Daacish, ee ku yaalla inta u dhexaysa Tasjiic iyo Xabley, waxay kala yihiin Darayle, Gambara, Dhaban-Gooxle iyo Dul” ayaa lagu bayaan ka soo baxay taliska howlgalka Ciidamad Puntland.
Sidoo kale, Ciidamada Puntland oo guullo ka sheegtay inay ka gaareen howlgalladii wajiyada 1-aad iyo 2-aad ayaa ku faanay in kanne ay ka kaga sahlanaaday, iyada oo kooxda lumisay badi awooddeedii.
Howlgalka Puntland ugu magac dartay la dagaalkan Argagixisada ayaa waxaa uu bilowday horaantii bishii December ee sanadkii hore, waxaana muddo seddex bil ah dagaal adag uu buuraha Calmiskaad uu ku dhexmaray Daacish iyo Puntland. Inta dagaalku uu socday waxaa kooxdu lumisay dhul badan iyo xubno muhiim ah, sida ay qabaan qubada siyaasadda.
HBN ONLINE TV