Kulan maanta dhexmaray Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada maamulka Puntland ayaa sheegay in looga hadlay arimo kala duwan oo ku aadan amniga, xaalada rayidka iyo ciidamada, iyada oo la soo saaray go’aan ku aadan qaabka loo dabaqi doono arimo dhowr ah oo shirka ka soo baxay.
Shirka maanta ka dhacay caasimadda maamulka ee Garoowe ayaa waxaa marka hore warbixinno lagaga dhageystay guddoomiyeyaasha guddiyada Golaha Wakiillada, kuwaas oo la xiriiray arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, deegaanka iyo xaaladda abaarta ee ka jirta deegaanada Puntland.
Sidoo kale, Kulanka waxaa lagu falanqeeyey xaaladda guud ee amniga Puntland iyo qorshaha dib-u-habaynta Ciidanka Qalabka Sida, iyada oo la tilmaamay in la go’aamiyey in arrintaas loo saaro guddi gaar ah oo diyaariya talooyin iyo qorsheyaal ku saabsan dib-u-habaynta ciidamada.
Ugu dambeyntii, Golaha Wakiillada maamulka Puntland dhowr guddi u saaray arimo la xariira cabashooyin ka yimid qaar kamid ah Goleyaasha Deegaanka degmooyinka Puntland iyo Naafadda, si xal loogu helo cabashooyinka soo noq-noqday.
HBN ONLINE TV

