Puntland oo gacanta ku dhigtay taliskii ugu weynaa Daacish ee buuraha Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa la wareegay taliskii ugu weynaa ee ururka Daacish ee ku yaallay togga Miraale ee buuraha Calmiskaad, kadib dagaal culus iyo duqeymo is barbar socda oo lagu qaaday fariisimihii kooxdaasi.

Wararka laga helayo warbaahinta gudaha Puntland ayaa sheegaya in Miraale oo ka kooban dhowr tog oo isku xiran uu ahaa xaruntii ugu muhiimsanayd ee Daacish ee gobolka, taasoo muddo sannado ah ahayd saldhig laga hago howlgallada kooxda ee gobollada waqooyi-bari Soomaaliya.

War kooban oo ay baahisay warbaahinta afka Puntland ku hadasha ayaa lagu yiri:
“Ciidanka Difaaca Puntland ayaa Saaka si rasmiya ula wareegay Taliskii ugu weynaa ee Argagixisada DCSH (Daacish) ee Miiraale. Ciidamada ayaa ku daba jira firxadka khawaarijta.”

Dagaalka socda lixda bilood ee u dhexeeya Puntland iyo Daacish ee buuraha Calmiskaad ayaa hadda waxaa soo xirmaya wajigiisii seddexaad, iyadoo taliskii Miraale oo muhiim ahaa laga saaray kooxda, kaasi oo labada dhinacba khasaare culus ka soo gaaray.

Qaar ka mid ah muuqaallada ay heleen warbaahinta gudaha ayaa muujinaya in goobihii la qabsaday Daacish ay horey u ahaayeen saldhigyo buuraley ah, halkaasoo ay ka socdeen tababaro iyo abaabul howlgallo qarsoodi ah. Puntland waxay sidoo kale shaacisay in howlgalka lagu dilay tobannaan dagaalyahan ajaanib ah oo ka barbar dagaallamayay kooxda.

Qubarada amniga Qaar ka mid ah ayaa sheegay in xilligan la joogo fursadaha Daacish ay si weyn u yaraadeen, iyadoo dagaalkii tooska ahaa ee hore uu badalay mid xeelad ah iyo taba militeri. Waxa ay sheegeen in wejiyada dambe ee dagaalka uu noqon doonaan mid fududaanaya, maadaama kooxda laga saaray meelihii muhiimka u ahaa tababarka, abaabulka iyo weerarada.

Kooxda Daacish ayaa tan iyo sanadkii 2015 fariisin ka dhigtay buuraha Calmiskaad, halkaas oo ay ka fuliyeen weerarro ka dhan ah Puntland, dadka deegaanka iyo ciidamada ammaanka, Laakiin xaaladda hadda jirta ayaa muujinaysa in kooxdaasi si tartiib ah looga sifeynayo buuraleyda gobolka, iyada oo howlgalka la filayo in uu sii socdo illaa la hubiyo in aysan kooxda dib ugu laaban karin dhulka ay horey u haysteen.

Waxaa laga war sugayaa warar rasmi ah oo faahfaahinaya khasaaraha iyo qabsashada buuxda ee Miraale, iyadoo lagu dhawaaqi doono wajiga xiga iyo sida uu dhici doono.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed