Laba kun oo madaxyo gantaal Daacish ay sameysay ayaa Ciidamada Puntland ku soo bandhigeen saldhig ay sheegeen inay ka qabsadeen dhawaan kooxda oo ku yaalla furimaha dagaalka ee Buuraha Calmiskaad. Puntland ayaa tilmaantay in kooxda dooneysay inay waxyeello ugu geystaan shacabka Puntland.
Gantaalada oo lagu diyaariyey xarunta ku taalla agagaarka deegaanka Dasaan oo kooxdu farisiin ku lahayd saldhig weyn, ayaa waxaa maalin ka hor la wareegay ciidamada Puntland.
Sidoo kale, Ciidamada Puntland ayaa carrabaabtay in ay gacanta ku dhigtay qeyb ka mid ah sida warka loo dhigay warshaddiihii lagu farsameyn jiray gantaalada.
Todobaadkan Puntland ayaa guullo waa weyn ka sheegatay dagaalka ay kula jirto Kooxda Daacish oo ay kala wareegtay deegaanno dhowr oo ay ku jireen gooba looga gabaddo duqeymaha, godad hoose iyo barro gacan ku heyntooda istiraatiijiyad dagaal laga hagi jiray.
HBN ONLINE TV