Puntland oo gacanta ku dhigtay ajnabi Daacish ah oo la shaaciyey dalka uu udhashay

Ciidamada Difaaca Puntland ayaa ku dhawaaqay in howlgal ay ka fuliyeen togga Baallade ee buuraha Calmiskad ay ku qabteen nin ajnabi Daacish ah, kaasi oo markii la qabanayey loo soo bandhigay isagoo watay qori fudud ayna ka muuqdeen daruufo kala duwan.

Qoraal ay soo saareen Ciidamada Difaaca Puntland ayaa lagu sheegay in ninka la qabtay uu ahaa xubin firxad ah oo ka tirsanaa Daacish, lana helay isagoo kaligiis biyo ka dhaansanaya ceel ku yaalla buuraha, kuna hubeysnaa qori AK-47 ah.

“Ciidanku waxay qabteen Argagixiye Ajanebi ah oo firxad ah, waxaa ku socda baaritaan” ayaa lagu yiri warkan Ciidamada Puntland.

Sidoo kale, Wasiirka arimaha gudaha Puntland Cabdi Saciid Faaraxa Juxa ayaa xaqiijiyey in ninkan la soo qabtay uu ka soo jeedo dalka Turkiga, isagoo sheegay in ciidamadu ka gacanta ku dhigeen ka dib howlgal ay fuliyeen Buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in ninkan uu bixiyay xog muhiim ah oo la xiriirta dhaqdhaqaaqyada kooxda Daacish, taasoo la filayo in ay gacan ka geysan doonto raadraaca xubnaha kale ee firxadka ah ee ku dhuumaaleysanaya buuraha gobolka Bari.

Inkasta oo magaciisa aan weli la shaacin, ilo amni ayaa waxay xaqiijiyeen in baaritaan rasmi ah lagu hayo si loo ogaado xiriirka uu la leeyahay shabakadaha caalamiga ah ee xagjirka ah, iyo sababta uu ugu sugnaa meelaha fogfog ee ay ciidamada Puntland ka wadaan howlgallada joogtada ah.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Puntland ugu jirto soo afjaridda kooxaha Daacish ah ee ku dhuumaaleysanaya buuraha Calmiskad, halkaas oo muddo bilooyin ah dagaallo culus ay kula jiraan Daacish.

Puntland waxay sheegtay in ay sii wadi doonto howlgallada ilaa la suuliyo khatarta kooxda Daacish, iyadoo ku boorrisay shacabka in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga. Dhinaca kale, khubarada amniga gobolka waxay tilmaamayaan in ka-qaybgalka ajaanibta ee kooxaha xagjirka ah uu yahay isbeddel khatar ah oo u baahan feejignaan dheeri ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed